In ka badan 30 qof ayaa lagu dilay, iyadoona 94 kalena uu dhaawac kasoo gaaray qarax lala beegsaday xaflad aroos ah oo ka dhaceysay magaalada Gaziantep ee ku taala bariga dalka Turkiga.
Qaraxaas ayaa sida la sheegay ahaa mid uu geystay qof is-miidaamiyay oo xaflada arooska dhexda kasoo galay, xilli ay xaflada joogeen dadkii ugu faraha badnaa.
Weerarkaan ayaa ka dhacay magaalada ku taalla koofur bari dalkaasi ee Gaziantep oo ku dhow xuduudka Suuriya ee dagaaladu ka socdaan.
Ra’iisul wsaare ku-xigeenka dalka Turkiga, Mehmet Simsek ayaa sheegay inay u muuqato in weerarka uu qaaday qof is-qarxiyey, isagoona weerarkaasi ku tilmaamay weerar fulaynimo ah.
Waxaa la tuhunsan yahay in weerarkaasi ay geysteen kooxda la magac baxday dowladda Islaamka ee Daacish.
Sidoo kale goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay isku bedeshay dhiig iyo dhimasho oo dadkii goobta ku sugnaa noqdeen wax dhintay iyo dhaawac, waxaana la arkaayay gaadiidka gurmadka deg dega ah oo halkaasi ka daabulaya dhaawaca fara badan.