Gudooomiyaha gobolka Banaadir oo jawaab siiyay hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya (DHAGEYSO)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray hanti-dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya.

Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inay sharci darro tahay kaararka aqoonsiga uu maamulka gobolka Banaadir bixiyo, islamarkaana ku tilmaamay mid lagu ciqaabayo shacabka Muqdisho.

Gudoomiye Yuusuf Madaale oo eedeymahaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in kaararka aqoonsiga ahi aanu wax sharci darro aheyn, islamarkaana uu ka mid yahay soo celinta dowladnimada, isagoo xusay in aanay jirin cid sharciga kaligeed meel ugu xiran.

“Horta sida aad ogsoontahay dal markii uu burbur ka dhaco, mar-qura nidaamka masoo laabanaayo, marka hadii la doonayo nidaam dowladnimo waa in dadka si nidaam ah loo gaarsiiyo dowladnimada, marka kaarka aqoonsiga wuxuu ka mid yahay soo celinta dowladnimada, mana jiraan wax la yiraahdo sharci darro, qof sharcigane meel ugu xiran ma jirto” Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale

Dhinaca kale, waxaa uu gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale sheegay in barnaamijkaan sameysiga kaarka aqoonsiga uu ka mid yahay mid ay baahi weyn u qabto, islamarkaana uu maamulka gobolka Banaadir diyaar u yahay in waxa ay shacabka u baahan yihiin fuliso.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaantaan hanti dhowrka guud ee Qaranka uu sheegay inay sharci darro tahay sameysiga kaararka aqoonsiga uu maamulka gobolka Banaadir soo rogay.

error: Content is protected !!