Oday dhaqameed qoorta laga gowracay oo lagu arkay deegaanka Ceel-cali ee gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-cali ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay gelinkii dambe ee shalay halkaasi ku gowraceen nin ka tirsanaa oday dhaqameedyada deegaankaas.

Al-shabaab ayaa odaygaasi oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamed Daangaab ku eedeysay inuu hub uu lahaa siiyay kooxo maleeshiyaad ah oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Meydka ninka Odayga ah oo qoorta ka gowracan ayaa weli yaala goobtii lagu dilay, waxaana dadka degaanka ay ka cabsi qabaan in hadii ay meydkiisa qaadaan ay dhibaato kala kulmaan Xarakada Al-shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Ceel-cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay odayaal dhaqameedyo kale oo badan ka kaxeysteen deegaankaas, iyadoona ilaa iyo haatan aan la ogeyn meel ay geeyeen odayaashaas.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Al-shabaab oo ay kaga hadlayaan gowraca ay u geysteen Oday dhaqameedkaasi oo isagoo qoorta ka gowracan maanta meydkiisa lagu arkay deegaanka Ceel-cali ee gobolka Galgaduud.

error: Content is protected !!