Puntland oo shaacisay cidda lala damacsanaa weerarkii shalay lagu qaaday waqooyiga Gaalkacyo (DHAGEYSO)

Iyadoo maalintii shalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug uu ka dhacay weerar aad u xoogan islamarkaana geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa waxaa si kulul weerarkaasi uga hadlay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey oo maanta gaaray waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay inuu aad uga xun-yahay dadkii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Puntland, wuxuuna balan ku qaaday in dadkii dhaawaca halista ah kasoo gaaray weerarkaasi, dalka dibaddiisa ah loo qaadi doono.

Wuxuu madaxweyne-kuxigeen Camey sidoo kale sheegay in weerarkaasi lala damacsanaa in lagu qaarajiyo wasiiro ka tirsan maamulka Puntland iyo sidoo kale saraakiil ciidan oo xilligaasi shir uga socday xarunta dowladda hoose ee Puntland.

Injineer Camey ayaa sidoo kale tacsi uga diray dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay shacabkii shalay lagu laayay weerarkii lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee maamulka Puntland, wuxuuna weerarkaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Xarakada Al-shabaab.

error: Content is protected !!