Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii shalay ee Gaalkacyo, hanjabaadna u diray Puntland (DHAGEYSO)

Kadib weerarkii shalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo gaar ahaan xarunta dowladda hoose ee maamulka Puntland ayaa waxaa weerarkaasi sheegtay inay ka dambeeyeen Xarakada Al-shabaab.

Weerarkaasi oo ahaa laba qarax oo is-xig xigay ayaa waxaa ku geeriyootay in ka badan 20 qof, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacantay tiro ka badan 30 qof, iyadoona sidoo kale uu bur-bur aad u xoogan ay soo gaareen dhismayaal ku ag yaalay xarunta weerarka lagu soo qaaday.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo wareeysi siiyay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa si qoto-dheer ah uga hadlay weerarkaasi, waxaana uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa camaliyaat istish-haadi ah islamarkaana ay fuliyeen ciidamo ka tirsan ururkooda.

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale ku hanjabay inay sii waddi doonaan weerarada ceynkaasi oo kale, islamarkaana ay bar-tilmaameedsan doonaan waxa uu ku sheegay murtadiin iyo gaalo.

“Waxa magaalada Gaalkacyo shalay ka dhacay waxay ahaayeen camaliyaad istish-haadi ah oo ay qaadeen Mujaahidiinta, iyagoona beegsaday meeshii loogu tala-galay, waxaana qasaare badan soo gaartay ash-haado la dirirka ee murtadiinta, waxaana ku dhimatay 30 ilaa 50, waxayna kuligood gacansaar la lahaayeen dowladda Itoobiya, iyo fulinta danaha iyo masaalixda xabashida, marka waa inay kala doortaan dilka ama inay ku noolaadaan nabad oo ay ilaahay rumeeyaan” Sidaas waxaa yiri afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere)

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan hanjabaadda ah ee kasoo yeeray afhayeenka Xarakada Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka dhaceen laba qarax oo is-xig xigay oo lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee maamulka Puntland oo halkaasi ku taala.

error: Content is protected !!