“Waxaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed leeyahay joojiya siyaasadda aad mashquulka ku tihiin..” (DHAGEYSO)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si kulul uga hadlay qaraxyadii shalay lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee maamulka Puntland oo ku taalo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen Xarakada Al-shabaab, isagoona ku sifeeyay inay yihiin dad manaxayaal ah oo aanay u naxeenin shacabka Soomaalida ah, islamarkaana u baahan in si wadajir ah la isaga dhiciyo.

“Waxaan rabay inaa ka tacsiyeeyo, islamarkaana aa cambaareeyo falka waxashtinamada ay geysteen manaxayaasha, oo aan u kala aaba yeeleynin, birimageydada, ciidan iyo qofna, waana arrin aad looga xumaado” Sidaas waxaa yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa farriin culus u diray maamulada dalka, isagoo soo jeediyay inay mideeyaan cududooda ayna meel ka soo wada jeesteen, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo siyaasadda lagu mashquulsan yahay ee aanay waxba kasoo kordheynin.

“Waxaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed leeyahay joojiya siyaasadda aad mashquulka ku tihiin ee haloo soo jeesto in lala dagaalamo kooxaha manaxayaasha ah ee Al-shabaab, oo aan cidna ka xishoonaynin, waana loo aari doonnaa dadkii weerarkaasi lagu laayay” Ayuu madaxweyne Axmed Madoobe hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka dhaceen laba qarax oo is-xig-xigay oo lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee maamulka Puntland, kaasoo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

error: Content is protected !!