XOG RASMI AH:- Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo xil kale u magacaabay nin ay qaraabo dhaw yihiin

Ilo xog-ogaal ah oo laga helaayo xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa inoo xaqiijyay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu si qarsoodi ah xil ugu magacaabay nin ay qaraabo dhaw yihiin oo lagu magacaabo Axmed Dayib Nuur.

Axmed Dayib Nuur ayaa loo magacaabay xoghayaha joogtadda ah ee wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, iyadoona magacaabistiisa ay kusoo beegantay xilli uu dalka ku jiro xilli kala guur ah.

Ma jirin wax wareegto ah uu ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid kasoo saaray xilkaan uu u magacaabay Axmed Dayib Nuur, kaas oo ka howlgali doonno wasaaradda maaliyadda, iyadoona aan saxaafadda weli loo soo badhigin magacaabidiisa.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu xilal u magacaabo shaqsiyaad ay qaraabo dhaw yihiin, iyadoona sida caadada ah madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ay xilliyada kala guurka ah ka faa’ideystaan awoodooda siyaasadeed, iyagoo kadibne xilal kala duwan u magacaaba dad ay ehel ama saaxiibo dhaw yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu xil u magacaabo dad ay qaraabo dhaw yihiin, iyadoona dhawaan sida aynu hore kusoo bandhignay uu xil ugu magacaabay nin lagu magacaabo Saacid, kaasoo uu u magacaabay xilka wasiiru-dowlaha arrimaha Bii’ada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

HALKAAN KA AQRISO XILKA UU HORE U MAGACAABAY

DIGNIIN:- Fadlan dhowr xuquuqda xogta

error: Content is protected !!