DEG DEG:- Bambooyin goordhaw lagu weeraray guryo ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

Waxaa goordhaw Bambooyin nooca gacanta laga tuuro ah lagu weeraray guryo ay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho ka degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Guryahaasi la weeraray ayaa la sheegay inay degan yihiin wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhiga ee xukumadda federaalka Maxamed Cali Xagaa iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxaa inta la xaqiijiyay weerarka bambooyinkaasi ku dhaawacantay qaar ka mid ah ilaaladda guryaha mas’uuliyiintaasi, iyadoona ilaa iyo haatan aan la ogeyn in mas’uuliyiinta la weeraray ay guryahooda xilligaasi ku sugnaayeen iyo inkale.

Faah faahinta warkaan dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!