DEG DEG:- Diyaarado haatan dul-heehaabaya degmada Jilib iyo deegaano kale oo ka tirsan J/dhexe

War goordhaw naga soo gaaray gobolka J/dhexe ayaa sheegaya in dhowr diyaarado ay haatan dul hee-haabayaan degmada Jilib iyo deegaano kale oo ku dhaw degmadaasi.

Diyaaradahaasi ayaa cabsi weyn ku abuuray dadka deegaanka degmada Jilib iyo sidoo kale deegaano kale oo hoos-yimaada degmadaasi, iyadoona guuxa diyaaradahaasi weli laga maqlaayo halkaas.

Xarakada Al-shabaab ee ku sugan degmada Jilib ayaa la sheegay inay ishor-istaag ku sameeyeen in dadka deegaanka ay halkaasi ka barakacaan, iyadoona halkaasi ay maanta ka jirto cabsi aad u xoogan.

Ilaa iyo haatan lama oga halka laga leeyahay diyaaradahaasi oo maanta jahwareer ku riday dadkii oo dhan.

Dhowr jeer oo hore ayaa diyaaradaha dagaalka laga leeyahay dalka Kenya waxay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka J/dhexe, waxaana duqeymahaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!