Xaaji Abuukar Cumar “Soomaaliya waxay u baahan tahay in shareecada Islaamka lagu dhaqo” (DHAGEYSO)

Wareysi lala yeeshay ganacsadaha caanka ah ee Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa markii horeeysay ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ka jira iyo sidoo kale waxyaabaha ku kalifay inuu maanta wareysiga bixiyo.

Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uusoo maray marxalado kala duwan islamarkaana ay haatan u baahan tahay in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Sidoo kale, Xaaji Abuukar ayaa sheegay wixii ka dambeeyay sanadkii 1960-kii dalka Soomaaliya loo diiday in lagu dhaqo shareecada Islaamka, taas oo keentay bur-bur, dhac, cadaalad darro iyo kala firdhasho.

“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray marxaladdo kala gedisan, sanadkii 1960-kii wixii ka dambeeyay dalka waa la diiday in shareecada Islaamka lagu dhaqo, taasine waxay dhalisay in hantida dadka la boobo, dhiiga dadka la xalaalsado, in cadaalad xumo ay dalka ka dhacdo iyo waxyaabo badan aan halkaan lagu soo koobi karin” Sidaas waxaa yiri Ganacsade Xaaji Abuukar Caddaan.

Xaaji Abuukar Caddaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Soomaaliya waxay u baahan tahay in shareecada Islaamka lagu dhaqo, aniga qof muslim ah baan ahay, waana ogahay in la igu xanto Al-qaacida waaye, aniga Al-shabaab kuma taageersani dadka ay dilayaan, kuwa ay qarxinayaan, dadka la dilayo iyagoo masaajidada kasoo baxaya”

Dhinaca kale, Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa sheegay inuusan ahayn qof xukun doon ah, balse kaliya uu doonayo in Alle kitaabkiisa loo noqdo, lana joojiyo is-qabqabsiga iyo ku tiirsanaanta dadka gaalada ah.

“Kursi doon ma ihi aniga, balse waxaa ku talinayaa in Alle kitaabkiisa loo noqdo, lana joojiyo isqab-qabsiga, dowladaha gaalada ee beenta noo sheegaya aan iska dhaafno, gaalada ha inaga baxdo, anagoo Islaam ah iyo iyagoo gaalo ah aan dhaqano, mana ahan inaan iyaga ka amar qaadano” Ayuu Xaaji Abuukar Cumar Caddaan hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

error: Content is protected !!