DEG DEG:- Gaashaanle Sare Yaxye Xaaji Cali oo goordhaw lagu dilay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho

Waxaa daqiiqado kahor degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho lagu dilay Allaha u naxariistee Gaashaanle Sare Yaxye Xaaji Cali oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka tirsanaa wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Koox hubeysan ayaa dhowr rasaas la dhacay Marxuumka, xilli sida la sheegay uu kasoo baxayay gurigiisa ku yaala degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho, waxaana uu xilligaasi kusii jeeday magaalada.

Kooxdii dilka geystay ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda ee dowladda federaalka Soomaaliya oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Ilaa iyo haatan ma jiraan cid falkaasi dilka ah loosoo qab-qabtay, waxayna ciidanka halkaasi gaaray wadaan baaritaano lagu raadinayo ciddii falka dilka ah ka dambeysay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!