Faah Faahin:- Koox hubeysan oo rasaas ooda kaga qaaday askar ku sugneed suuqa Bakaaraha

Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoona sidoo kale mid kale la dhaawacay.

Koox la sheegay inay hubeysnaayeen ayaa rasaas ooda kaga qaaday labadaasi askari xilli ay ku sugnaayeen gudaha suuqa Bakaaraha, waxaana mid ka mid ah labadaasi askari soo gaaray dhaawac culus halka midka kalena uu geeriyooday.

Dad goob-joogayaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in askarigii dhaawaca ahaa uu isna rasaas ku furay kooxihii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday, waxaana suurto gashay inuu mid ka mid ah kooxdaasi uu dilo.

Weerarkaasi kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna markaasi kadib ay goobta ka qaadeen askarigii dhaawaca ahaa iyo midka geeriyooday.

Ilaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya, kaas oo ay kaga hadlayaan dilalka ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!