Wararkii ugu dambeeyay dagaal saakay ka dhacay deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Bay

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada militeriga dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa sida la sheegay bilawday kadib markii ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin ay deegaanka Goof-gaduud kaga sugnaayeen ciidamada militeriga ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa waxay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona ilaa iyo haatan aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan ciidanka militeriga dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Bay oo aynu isku daynay inaynu la xiriirno ayaanan inoo suurto galin, waxaana weli kacsan xaaladda deegaankii saakay dagaalka ka dhacay ee gobolka Bay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!