Al-shabaab oo sheegatay weerarkii maanta lagu qaaday maqaayadda Banaadir Beach ee magaalada Muqdisho

Kadib weerarkii xooganaa ee gelinka dambe maanta lagu qaaday maqaayadda Banaadir Beach ee ku taala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa durba weerarkaasi sheegtay Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo warbaahinta afkooda ku hadasha la hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi ay iyaga ka dambeeyeen, islamarkaana maalmaha soo socdo ay weeraro kale ka geysan doonaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu Cali Dheere sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid sidii loo soo qorsheeyay u dhacay, isagoona dhinaca kale ku hanjabay inay is-hortaag ku sameyn doonaan doorashada dalka ka dhici doonta dhamaadka sanadkaan aynu ku jirno.

Dhinaca kale, Cali Dheere ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay furin dagaal oo lagula dagaalamayo waxa uu ku tilmaamay gaalo iyo kuwa gaalo raac ah, waa sida uu hadalka u dhigayee.

“Magaalada Muqdisho waa furin dagaal, waxaana ku sugan dad murtadiin iyo gaalo ah, marka dagaalka maanta wuxuu ku dhacay sidii loo qorsheeyay, waana mid joogta ah oo aan joogsan doonin, sidoo kale ma dhici doonaan doorasho ay sheegeen inay qaban doonaan, waa mid ku dhisan gaalnimo iyo wax ay shisheeye wataan” Sidaas waxaa yiri Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray afhayeenka Xarakada Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa kusoo beegmaya xilli gelinkii dambe ee maanta weerar xoogan lagu qaaday maqaayadda Banaadir Beach ee ku taalo xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyadoona seddax nin ka mid ah dadkii weerarkaasi soo qaaday ay gudaha u galeen maqaayadda islamarkaana ay qasaare lixaad leh meesha ka geysteen.

error: Content is protected !!