Ciidanka nabad-sugidda oo gacanta ku dhigay mid ka mid ah nimankii weerarka ku qaaday Banaadir Beach

Mid ka mid ah nimankii weerarka ku qaaday maqaayadda Banaadir Beach ee ku taala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta lagu dhigay isagoo dhaawac ah, kadibne la geeyay goob caafimaad, si halkaasi loogu daaweeyo.

Ciidamada nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi oo la sheegay inuu ahaa is-miidaamiyihii kaxeeynayay gaariga isku qarxiyay afaafka hore ee maqaayadda Banaadir Beach ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka nabad-sugidda Qaranka ee NISA C/xakiin Axmed Fareey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadu ay qabteen is-miidaamiyihii darawalka¬†ka ahaa gaarigii ku qarxay afaafka hore ee maqaayadda Banaadir Beach, kadibne la geeyay isbitaalka isagoo dhaawac culus qaba, si halkaasi loogu daaweeyo kadibne su’aalo loo weydiiyo.

Ilaa iyo haatan lama oga xilliga rasmiga ee lasoo afjari doonno howlgalka ay ciidanka nabad-sugidda Qaranka ka wadaan maqaayadda Banaadir Beach, halkaas oo ay weli ku dhex sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Weerarkaan caawa lagu qaaday maqaayadda Banaadir Beach ee xeebta Liido ayaa la sheegay inuu geystay qasaare lixaad leh oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee ku dhex-sugnaa gudaha maqaayadda, inkastoo qaar ka mid ah dadkaasi ay halkaasi ka carareen kadib markii uu weerarka bilawday.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!