DEG DEG:- Qarax weyn iyo rasaas badan oo goordhaw laga maqlay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw rasaas iyo qaraxyo aad u xoogan laga maqlay maqaayadda Banaadir Beach oo ku taala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo markii hore ku bilawday qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa xigay rasaas oo ay ridayeen kooxaha weerarka kusoo qaaday goobta.

Waxaa aad u kacsan xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana weli adag in la ogaado qasaaraha ka dhashay.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ayaa goobta gaaray, waxaana weli la maqlayaa rasaas aad u dhaceeysa, iyadoona la sheegayo inay jiraan dhaawac iyo dhimasho badan oo soo gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda.

Dhinaca kale, wasaaradda amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka uu ka dhacay inta dhaxeeysa isgooyska Xeebta Liido iyo saafarada Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Faah faahinta warka dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!