Diyaar garow aan caadi ahayn oo maanta laga dareemayo Muqdisho iyo wadooyinka qaar oo maanta xiran

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka socoto qaban-qaabada u diyaar garowga meydka madaxweyne ku-xigeenkii dowladii militeriga aheyd ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo la filaayo in saacadaha soo socda halkaasi lasoo gaarsiiyo.

Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa dhawaan ku geeriyooday isbitaal ku yaala gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, kadib markii mudooyinkii dambe uu halkaasi ku xanuunsanayay.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in meydkiisa laga soo dejiyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo.

Guddi ay dowladda federaalka Soomaaliya u xil saartay aaska marxuun Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa ku howlan arrintan, iyadoo diyaar garow aan caadi ahayn laga dareemayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, ku-simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhowaan sheegay in  muddo saddex maalmood ah loo murugoonayo geeriga Jeneraal Maxamed Cali Samatar, islamarkaana hoos loo dhigay calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale maanta magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa qabanqaabada aaska qaran iyadoo la xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada.

Ugu dambeyntii, meydka marxuum Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa la sheegay in lagu aasi doono xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ee ku taalo magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!