Gudoomiyaha bankiga dhexe oo shaaciyay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay lacag badan kala baxeen bankiga

Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa markii ugu horeeysay xaqiijiyay in bankiga dhexe ee Soomaaliya laga xaday lacag dhan $530,000, Shan boqol iyo sodon kun ee doolarka Mareykanka ah.

Wuxuu guddoomiyaha bankiga dhexe Bashiir Ciise sidoo kale sheegay inay haatan socdaan baaritaano lagu ogaanayo cidda rasmiga ah ee lacagahaasi la baxday, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono ciddii lagu helo ku lug lahaanshaha arrintaas.

“Weli waxaa socda baaritaano lagu ogaanayo cida sida rasmiga ah Bankiga dhexe ugala baxday lacagtaas dhan $ 530,000, qofkii ay arrinkaasi ku caddaato waxaa lala tiigsan doonnaa sharciga” Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha bankiga dhexe Soomaaliya Bashiir Ciise Cali.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa kusoo beegmaya xilli madaxda sare ee dalka Soomaaliya dhawaan looga digay in xilligaan kala guurka ah lagu takri falo hantida qaranka iyo inaan si qaldanna loo isticmaalin awoodaha dowladnimo.

error: Content is protected !!