Puntland oo amar culus kasoo saartay qaadka dhinaca dhulka uga soo gala deegaanadeeda

Wareegto maalintii shalay kasoo baxday xafiiska madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa waxaa lagu mamnuucay qaadka kasoo gala dhinaca dhulka ee degaanadda Puntland.

Waxaa sidoo kale wareegtadaan lagu fasaxay in dadka Puntland ay qaadka lasoo dagi karaan, soona dhoofsan karaan ciddii dooneysa inay ka ganacsato, oo kaliya laga soo dejin karo garoomada magaalooyinka Qardho iyo Gaalkacyo.

Hadaba nuqul ka mid ah wareegtadaasi oo soo gaartay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u qorneed sida hoos ku xusan:-

Wareegto-Mamnuuc-Qaadka

error: Content is protected !!