Tarsan oo lagu waddo inuu maanta ku dhawaaqo musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu ka mid yahay musharixiinta u tartameysa doorashada xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya ee dhici doonta dhamaadka sanadkaan aynu ku jirno.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qeyb gali doonaan boqolaal qof oo isugu jira madaxda xisbiyadda siyaasadda dalka iyo bulshada Soomaaliyeed ee kala duwan ayaa maanta ka dhaceeysa magaalada Muqdisho, waxaana uu Mr Tarsan si rasmi ah uu shaacin doonaa inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, gudoomiye Tarsan ayaa ka mid ah madaxda xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ka jira, waxaana lagu xasuustaa inuu wax weyn ka qabtay dib usoo celinta bilicda magaalada Muqdisho, isagoona sidoo kale ka mid ah madaxda aan hadalkooda la cabsanin.

Dhinaca kale, xafladda Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ee maanta ka dhici doonta mid ka mid ah Hoteeladda magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay noqon doonto tii ugu balaarneyd ee musharax ku qabto magaalada Muqdisho.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!