DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

War goordhaw nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu daqiiqado kahor ka dhacay nawaaxiga isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ilaa iyo haatan aan la ogeyn waxa uu ahaa ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Waxaa inta la xaqiijiyay qaraxaasi ku geeriyooday hal askari, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacantay seddax kale.

Dadka dhaawacmay ayaa laba kamid ah waxay ahaayeen askar ka tirsan ciidankii weerarka lagu qaaday, iyadoona halka qof kale uu ahaa qof rayid ah oo maraayay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ilaa iyo haatan lama oga, nooca uu qaraxaasi ahaa, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, oo halkaasi baaritaano ka bilaabay.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli habeenkii xalay weerar lagu qaaday maqaayadda Banaadir Beach oo ku taala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!