“Ma dhici karto in bankiga dhexe lacag laga xado, waa wax la mal-dahay oo aan suurta-gal ahayn..” (DHAGEYSO)

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlaayay fadeexadii lacagta laga xaday bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyay eedeymihii dhawaan kasoo yeertay gudoomiyaha bankiga dhexe Soomaaliya Bashiir Ciise Cali, taas oo ahayd in bankiga lagala baxay lacag dhan $ 530,000 (Shan Boqol iyo Sodon Kun ee doolarka Mareykanka ah).

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo haatan ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in gebi ahaan xilka laga qaado guddoomiyaha bankiga dhexe Bashiir Ciise Cali iyo sidoo kale mas’uuliyiinta kale ee bankiga dhexe Soomaaliya.

“Ma dhici karto in bankiga dhexe lacag laga xado, waa wax la mal-dahay aan suurta-gal ahayn, macquul ma aha in qof shaqsi ah lacag xado, xitaa hadii aysan mas’uuliyiinta Bankiga ogeyn waa mas’uuliyad-darradooda waana in xilka laga qaadaa gudoomiyaha, ku-xigeenkiisa iyo mas’uulyiinta kale, hadii ay is-casili waayaana waa in dowladdu casishaa oo xilka ka qaadaa, waa wixii dowladdii Siyaad Barre ay ku bur-burtay” Sidaasi waxaa yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

Ugu dambeyntii, Tarsan ayaa madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay mas’uuliyiinta Bankiga dhexe Soomaaliya loo xirxiraa sida loo aamino arrintaan aan macquulka ahayn Banki guddoomiyihiisii uu sheegayo in lacag uusan ka warhaynin laga xado.

error: Content is protected !!