Ciidamada nabad-sugidda qaranka NISA iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee xalay soo afjaray weerarkii argagaxisada ahaa ee lagu qaaday maqaayadda Banaadir Beach oo ku taalo Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Weerarkaasi oo ahaa mid marka hore loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa markii dambe koox la sheegay inay tiro ahaan gaarayeen ilaa 3 nin ay gudaha u galeen maqaayadda Banaadir Beach ee Xeebta Liido, waxaana ay halkaasi ku laayeen shacabkii ku dhex sugnaa gudaha maqaayadda.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku geeriyootay in ka badan 10 qof, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacantay tiro intaasi ka badan, waxaana dadka dhaawacyadda qaba la dhigay goobaha caafimaad ee ku yaala magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa xaqiijiyay in sagaal qof ay ku dhimatay weerarkaas ka dhacay maqaayadda Banaadir Beach, waxaana ay dadkaasi kala ahaayeen 5 qof oo rayid ah, laba ka tirsan ciidamada dowladda iyo laba kale oo uu sheegay inay ahaayeen raggii weerarkaasi kusoo qaaday maqaayadda.
Sidoo kale taliyaha waxa uu sheegay in mid ka mid ah raggii weerarka kusoo qaaday maqaayadda Banaadir Beach isagoo dhaawac ah gacanta lagu dhigay islamarkaana uu haatan ku jiro isbitaal lagu daaweynayo, kadibne su’aalo la weydiin doono.
Si kastaba ha ahaate, mas’uuliyadda weerarkii xalay ayaa waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab, iyadoona weerarkaan uu noqonayo weerarkii ugu qasaaraha yaraa ee ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana weeraro hore uga dhacay goobtaasi ku naf-waayay tiro ka badan kuwii xalay ku geeriyootay.