Ciidanka Puntland oo xabsiga u taxaabay 12 darawal gaadiid oo ka shaqeeya magaalada Gaalkacyo (SAWIRO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay xabsiga dhigeen ilaa 12 darawaladda gaadiidka ah ee ka shaqeeya halkaas.

Darawaladaasi ayaa lagu eedeeyay inay dad badan ka daad-gureynayeen magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay ku wargeliyeen dadkaasi in magaalada uu dagaal ka dhici doono.

Darawaladaan ayaa intooda badan la qabtay, iyagoo dadkaasi ku kaxeeynayay gawaawi ay saaran yihiin qoysas iyo agabkii ay wateen oo ay uga qaxayaan xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, maamulka magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay inay ka hortagayaan gaadiidka caadeystay inay dadka barakaciyaan, waxaana ciidamada halkaasi amar lagu siiyay inay qabtaan gaari kasta oo ay saaran yihiin dadka qaxaya iyo alaabahooda.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli laga cabsi qabo inay is-gacan saaraan ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug oo haatan la sheegayo inay isku hor-fadhiyaan islamarkaana laga cabsi qabo in xilli kasto uu dagaal ka dhex dhaco.

Darawalada-Gaalkacyo01 Darawalada-Gaalkacyo04 Darawalada-Gaalkacyo03

error: Content is protected !!