DEG DEG:- Dagaal la isku jilbo-dhigtay oo haatan ka soconaayo gobolka Gedo iyo qasaare ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in haatan uu halkaasi ka soconaayo dagaal aad u culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka oo ka soconaayo deegaanka Suuriyo oo hoostagta degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, waxaana ay labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Suuriyo ee gobolka Gedo oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in dagaalka oo bilaawday aroortii saakay uu haatan weli ka soconaayo halkaas.

Dagaalka ayaa sida la sheegay geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi la geeyay xarumaha caafimaad ee ku yaala degmada Buurdhuubo.

Dhaawacyadaasi ayaa la sheegay inay badankooda yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta tiro ay yihiin.

Dhinaca kale, lama oga tirada rasmiga ee dhimashada ka dhashay dagaalkaasi, waxaana uu dagaalku saameyn weyn ku yeeshay dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka Suuriyo oo hoostagta degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib ula soco

error: Content is protected !!