Dowladda Soomaaliya oo maanta lagu wareejiyay qalab ciidan oo kala duwan (SAWIRO)

Waxaa maanta taliska ciidanka asluubta ee dowladda federaalka Soomaaliya loogu deeqay qalab ciidan oo ka kooban katiinadaha lagu xiro maxaabiista, koofiyado, gaashaanka looga hortago dibad-baxyada iyo sidoo kale dhar kooban, iyadoona deeqdaasi ay bixisay dowladda Talyaaniga.

Taliye ku-xigeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed Jeneraal C/kariin Cali Afrax oo qalabkaasi lagu wareejiyay ayaa si aad uga mahad-celiyay dowladda Talyaaniga deeqdaan ay soo gaarsiisay Soomaaliya, isagoona sheegay in qalabkaan uu wax weyn u tari doono ciidanka dowladda Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda federaalka Soomaaliya, waxaan halkaan uga mahadcelinayaa dowladda Talyaaniga oo qalabka ciidan nasoo gaarsiisay, waxaan leen-nahay aad baad u mahadsantihiin, waxaana rajaynaynaa in qalabkaan uu wax weyn u tari doonno ciidanka dowladda, islamarkaana uu noqon doono mid lagu hormariyo dhinaca ammaanka dalka” Sidaas waxaa yiri Taliye ku-xigeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed Jeneraal C/kariin Cali Afrax

Dhinaca kale, waxaa isna goobtaasi ka hadlay madaxa hay’adda gargaarka Talyaaniga ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Korneel Bernardo Mencraglia, waxaana uu sheegay in qalabkaasi ciidan ay ku taageerayaan ciidanka asluubta Somaaliyeed, islamarkaana la rajeynayo inuu wax badan ka taro dhinaca qalabaynta ciidankaas.

error: Content is protected !!