Haweeneydii hubeysneyd oo ay qabteen ciidanka NISA oo muuqaalkeeda lasoo bandhigay (DAAWO VIDEO)

Ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed NISA ayaa maanta soo bandhigay muuqaalka haweeney ku hubeysneyd qoriga AK-47 oo ay maalinkii Jimcaha ahayd ka qabteen, agagaarka Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Sumaya Maxamed Geedi ayaa markii la qabtay kadib waxaa lagu xiray xarunta hay’adda nabad-sugidda qaranka, waxaana halkaasi lagu weydiiyay su’aalo badan oo ku saabsanayd sababta ku kaliftay inay qoriga qaadato.

Baaritaan kadib ayaa waxaa la sheegay inay haweeneydaasi hub u kala gudbin jirtay maleeshiyaadka Xarakada Al-shabaab, waxaana haweeneydaan la sheegay inay tahay hooyo Soomaaliyeed oo leh laba caruur.

Sumaya Maxamed Geedi oo ah haweeneyda la qabtay oo mar laga wareystay cidda ay qoriga u siday ayaa waxay sheegtay inay la shaqeeyneysay nin ay is barteen oo lagu magacaabo C/raxmaan, islamarkaana ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.

error: Content is protected !!