Tarsan “Waxaa haatan muuqata inaysan jirin u diyaar-garoow dhinaca doorashada ah..” (DHAGEYSO)

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa walaac aad u xoogan ka qaba suurta-galnimadda in doorashooyinka dadban ay ku dhacdo xilligii loogu tala-galay.

Tarsan oo haatan ka mid ah musharixiinta u tartameysa doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu shaki ka qabo in waqtiga doorashada loogu tala-galay ay markale dib uga dhacdo xilligeeda, isagoo taasi ku sababeeyay in wax diyaar-garow dhinaca doorashada ah aysan ka jirin dalka.

“Waxaa haatan muuqata inaysan jirin u diyaar-garoow dhinaca doorashada ah, magaalada kama muuqata waxyaabo doorashada loogu diyaar-garoobayo, waxaan hadda maqleynaa in bisha 7-eeda ay madaxda madasha shir yeelan doonaan, taas oo lagu rabo in guddiga doorashooyinka ay markale soo jeediyaan in waqtiga la kordhiyo islamarkaana aan doorashada xildhibaanada lagu qaban karin xilligii lasoo jeediyay, dibna loogu celiyo odayaasha dhaqanka, taas oo keeni karta in waqti kale lagu daro” Sidaas waxaa yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

error: Content is protected !!