Faah faahin:- Ciidanka NISA oo caawa gacanta ku dhigay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay (SAWIRO)

Ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa caawa gacanta ku dhigay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay islamarkaana lasoo dhigay agagaarka iskuulka Xaawo-taako oo u dhaw saldhiga Afar-irdood ee dagmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Gaarigaan oo noociisa la sheegay inuu ahaa KAARIB ayaa ciidamada nabad-sugidda waxay kula wareegeen muddo 10-daqiiqo kadib markii lasoo dhigay agagaarka iskuulka Xaawo-Taako ee degmada X/weyne, waxaana ciidamadaasi u suurto gashay inay kala fur-furaan dhamaan waxyaabihii qaraxa ka sameysnaa ee saarnaa gaariga.

Kooxdii gaariga wadatay ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen kahor inta aysan ciidamada nabad-sugidda goobta soo gaarin, waxayna ciidanka gaarigaasi kasoo dejiyeen fuusto uu ku jiro jawaan lagu soo cabeeyay walxaha qarxa iyo birro nooca boolasha ah oo loogu tala galay markii uu qaraxa dhaco ay firdhadaan islamarkaana ay waxyeelo badan soo gaarsiiyaan dadka shacabka ah.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo goobta gaariga lagu qabtay kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in gaariga uu ahaa mid lagu daba-joogay, kadib markii laamaha ammaanka ay heleen xogtiis, taas oo ugu dambeyn keentay in gaariga gacanta lagu dhigo.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada nabad-sugidda qaranka markii ay qabteen kadib ay ku guuleysteen inay gaariga ka furaan qaraxa saarnaa.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan loosoo qab-qabtay falkaan, iyadoona magaalada Muqdisho ay weli ku jiraan gaadiid kale oo ay Al-shabaab ku qorsheynayaan inay weeraro kaga geystaan goobaha ay bulshadu isugu timaado.

Si kastaba ha ahaatee, gaarigaan la qabtay ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr maalmood kahor gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray maqaayadda Banaadir Beach ee ku taala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Qarax-Gaari-La-Qabtay Qarax-Gaari-La-Qabtay-01 Qarax-Gaari-La-Qabtay-02 Qarax-Gaari-La-Qabtay-03 Qarax-Gaari-La-Qabtay-04 Qarax-Gaari-La-Qabtay-06 Qarax-Gaari-La-Qabtay-07 Qarax-Gaari-La-Qabtay-08

error: Content is protected !!