Jeneraal Gaafow oo faah-faahin ka bixiyay sababta kaliya oo Al-shabaab u suurto-gelinaysa inay weeraro geystaan

Taliyaha hay’adda nabad-suggida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud oo wareysi siiyay idaacadda laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka hadlay weerarada ay Xarakada Al-shabaab ka geystaan goobaha laga cunteeyo ee ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu Jeneraal Gaafow sheegay waxa Al-shabaab u sahlaaya inay beegsadaan goobaha laga cunteeyo ee ku yaala xeebta Liido ay tahay in goobahaasi ay ku yaaliin meel dhinaca badda xigta islamarkaana ay tahay goob ay cid kasto oo bulshada ka mid ah isugu yimaadaan.

“Sababta suurto-gelinaysa inay Al-shabaab weerarada ku qaadaan xeebta Liido, ayaa waxay tahay midda koowaad, meeshaas oo ah meel ay bulshada intooda badan isugu tagaan islamarkaana aan la-kala saari karin wixii Shabaab ah iyo wixii kale, midda kale ayaa waxay tahay in Al-shabaab ay howshooda halkaasi ku fushaan xilli ay baddu tahay mugdi, xilligaasine loo maleynayo inay yihiin dad shacab ah oo meesha tamashleyn u tagay” Sidaas waxaa yiri Jeneraal Gaafow.

Dhinaca kale, Jeneraal Gaafow ayaa sheegay in weeraradda Al-shabaab ay xilli kasta ka geystaan magaalada Muqdisho aysan micnaheedu ahayn in hay’adaha nabad-sugidda iyo sirdoon qaranka ee dowladda Soomaaliya ka hortagi karin weerarada Al-shabaab, balse ay tahay in Shabaabku aan laga aqoon karin bulshada inteeda kale.

Wuxuu Jeneraal Gaafow sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay waddo dadaalo dheeraad ah oo looga hortagaayo weerar kasta oo ay Al-shabaab ka damacsan yihiin inay ka geystaan goobaha ay bulshadu ku badan tahay, isagoona soo hadal qaaday in maalmihii ugu dambeysay ay ciidamada ammaanku fashiliyeen qaraxyo gaari lagu soo rakibay oo lala damacsanaa in lagu weeraro goobaha ay bulshadu isugu timaado ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray taliyaha hay’adda nabad-suggida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xilli la hadal haayo in hay’addaha ammaanka ay ka gaabiyeen ka-hortagidda qaraxyadda iyo weerarada ay Al-shabaab ka geystaan goobaha ay ku badan yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!