Waa maxay farqiga u dhaxeeya doorashada sanadkii 2012-ka iyo tan sanadkaan 2016-ka? (AKHRISO)

Wasiiru dowlihii hore amniga ee xukuumadii KMG ahayd Soomaaliya. haatana ah mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya doorashadii 2012-ka iyo tan la filaayo inay dalka ka dhacdo sanadkaan dabayaaqadiisa 2016-ka.

Wuxuu xildhibaan Cabdi faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin doorashada ka dhacday dalka sanadkii 2012-ka, iyo sanadkaan la filaayo inay dhacdo ayaa yiri:-

“Wax yar hadii aan ka taabto farqiga u dhexeeya labada doorasho, waxa uu noqonayaa tan 2012-kii waxa uu ahaa xulitaan, waxaa jiray 135 oday oo Soomaaliya oo dhan laga soo xulay, nabadoonno ayaa ku lamaansanaa, 135-kaas ayaa awood loo siiyay in oday walba oo ka tirsan uu dhowr xildhibaan isagu saxiixooda yeesho, kadib marka uu lasoo tashado beelahaas jilibyada ay ka kooban yihiin”

“Waxaa kaloo jiray guddi la yiraahdo TFC oo ahaa guddiga la socodka iyo ilaalinta iyo turxaan bixinta xubnaha xildhibaanada la soo qoray oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo amnigo ay shaqo ku lahayd kadibna ay la haayeen saxiixa ugu dambeeya oo qofkaa la siinayo warqadda ah inuu xildhibaan yahay, waxaa kale oo jira guddi khilaafaad oo haddii khilaafyo yimaadaan xalinaaya”.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu ka hadlay doorashada hadda waxyaabaha ay la goonida tahay oo ay kaga duwan tahay tii hore, wuxuuna yiri:-

“Doorashada hadda waa ka duwan tahay, xuliddii waa iska xulid, laakiin waxaa loo bixiyay doorasho dadban, laakiin caalamka doorasho laguma tilmaami karo wali sida ay hadda wax yihiin wali waa xulid, laakiin tiradii ayaa laga badiyay 135 ahayd, hadda isagoo la tashanaya beelihii xildhibaankaa lahaa ayuu wuxuu soo xuli doonaa 51 ergo ah illaa iyo hadda sida ku qoran heshiiskii ugu dambeeyay ee madasha, 51 ayaa waxay u heli doonaan fursad iney cod ku kala saaraan musharixiinta u tartameysa aqalka hoose ee baarlamaanka”.

Dhinaca kael, xildhibaan Cabdi Cali ayaa tilmaamay in ka duwanaashiyaha kale uu jiro ee labada doorasho, waxaana uu tusaale usoo qaatay  doorashadaan aqal sare oo ku jira baarlamanaka cusub, qaabka abaabulka musharixiintana ay ku kala duwanaan doonaan

Ugu dambeyntii, xildhibaanka ayaa sheegay in xisbiyo kala duwan ay haatan si weyn u hardamayaan doorashadaan islamarkaana ay u dhici doonto si hab federaal ah oo ka baaxad weyn tii 2012-ka. wuxuuna sidoo kale tilmaamay in doorashada sanadkaan ay ka muuqato in maamul dadajin loo sameeyay.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo haatan ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa xilli la filaayo in dalka ay ka dhacdo doorasho, waxaana sida la sheegay ay doorashadaani noqon doontaa mid aad uga adag marka loo eego kuwii hore ee dalka soo mara kadib burburkii dowladdii militariga ahayd ee dalka ka talin jirtay.

error: Content is protected !!