XOG:- Maxaa ka jira in Al-shabaab ay qorsheynayso inay qaraxyo kale ka geystato magaalada Muqdisho?

Ilo xog-ogaal aynu ka heleyno saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA ay hataan ku mashquulsan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen gadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo dhawaan lasoo geliyay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Gaadiidkaasi oo tiradooda la sheegay inay yihiin ilaa seddax gaari ayaa la tilmaamay inay la socdaan niman ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo qorsheynaya inay weeraro culus ka geystaan xarumo muhiim ah oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Sarkaal lagu magacaabo Naasir Dhagacadde oo ka tirsan hay’adda nabad-sugidda ayaa inoo sheegay in laamaha ammaanka ay ku mashquulsan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen seddaxdaas gaadiid iyo sidoo kale nimankaasi Shabaabka ka tirsan oo qorsheynaya inay weeraraan goobaha ay bulshada isugu timaado.

“Waxaa hay’adda nabad-sugidda soo gaartay digniin ah inay magaalada Muqdisho habeenkii xalay lasoo geliyay 3 gaari oo la sheegay inay Al-shabaab u diyaariyeen ciidamo weeraro culus ku qaaday goobaha goobaha ay bulshada isugu timaado, waxayna nimankaasi Shabaabku doonayaan inay weerar xoogan ku qaadaan xarunta kadib markii ay qaraxyada dhacaan” Sidaas waxaa yiri Naasir Dhagacadde oo ka mid ah saraakiisha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, ilaa iyo haatan si dhab ah looma oga goobta rasmiga ah oo ay Al-shabaab ku doonayaan inay weeraraan, balse laamaha ammaanka ayaa ku dadaalaya inay ka hor-tagaan weerarkaasi, waxaana shacabka ku nool magaalada Muqdisho soo wajahay wal-walkii ugu xooganaa ebed, maadaama arrintaan ay haatan suuqa si rasmi ah u gashay, islamarkaana aan laga warqabin halka ay ku wajahan yihiin gadiidkan oo inta badan lagu bar-tilmaameesado goobaha ay shacabka ku badan yihiin.

error: Content is protected !!