DEG DEG:- Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay laba askari oo ka tirsan AMISOM oo shidaal ku iibinayay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ku qabtay labo askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM iyo gaari la sheegay inay ku wateen shidaal ay xilligaasi iibinayeen.

Labadaan askari ee AMISOM ka tirsan ayaa sida la sheegay maalmihii ugu dambeysay lagu daba-jiray, waxaana ugu dambeyn suurto gashay in maanta ay gacanta ku dhigaan ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA

Ciidanka NISA ayaa labadaasi askari ku qabtay xilli ay magaaalada dhexdeeda ku iibinayeen shidaal, waxaana ay haatan ku xiran yihiin xarunta hay’adda nabad-sugidda qaranka ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, dhawaan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen askar ka tirsan ciidanka AMISOM oo lagu eedeeyay inay iibsadaan shidaalka iyo sahayda kale ee la siiyo, iyadoona sidoo kale lala soo qabtay 10 qof oo soomaali ah oo xilligaasi gacan ku siinayay iibinta alaabtaas.

Ilaa iyo haatan ma jirto, wax hadal kasoo baxay taliska AMISOM, oo ay kaga hadlayaan askartaan ka tirsan ciidankooda oo lagu qabtay xilli ay magaalada Muqdisho dhexdeeda ku iibinayeen shidaal, waxaana la filayaa in xilliyadda soo socdo ay AMISOM ka hadasho arrinkaan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!