Shaqaalaha garoonka Aadan Cadde oo maanta shaqo joojin sameeyay iyo shaqadii oo weli cakiran (SAWIRO)

Qaar ka tirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, kadib markii ay sheegeen in muddo ah aanay wax mushaar ah qaadan.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa haatan gacanta ku haaya shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga ee lagu magacaabo Favori, waxaana maanta jirin wax shaqo ah oo ka socda garoonkaas, iyadoona shaqaalaha garoonka ay weli hor-dhooban yihiin banaanka garoonka.

Waxaa weli cakiran shaqadii ka socotay garoonka Aadan Cadde, iyadoo shaqaalaha oo maalmihii ugu danbeeyay ay arrintan qorsheynayeen islamarkaana ay maanta u suurta-gashay inay ku dhaqaaqaan talaabadaan.

Sidoo kale, shaqaalaha banaanbaxa dhigaya ayaa ka cabanaya inay la culeesaadka ay la kulmaan inay ka mid tahay, hadii ay ka soo daahaan Shaqada in la ganaaxo Shaqaalaha Somalida, balse taasi aanan lagu sameynin kuwa Ajaanibta ah ee Garoonka ka howlgala.

“Anaga waxaa ka cabaneynaa oo kaliya in mushaar aanan qaadan waqti dheer, mar walba mudnaanta waxaa la siiyaa shaqalaha ajnabiga ah, mana helno xuquuqda uu shaqaale leeyahay, waxaa shaqeeynaa saacado dheer, mana helno wax fasax ah, waxaa intaas inoo sii dheer in qofkii soo daaha uu ganaax la kulmayo, dhibaatooyinkan muddo ayay soo jiitamayeen, mana u dulqaadan karno wixii intaan ka badan” Sidaas waxaa yiri mid ka mid ah shaqaalihii saakay ku hor banaan baxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, dad shacab ah oo maanta ka dhoofi lahaa garoonka Aadan Cadde ayaa weli ku xaniban banaanka garoonka, waxaana weli socota dadaal ay wadaan mas’uuliyiinta waaxda socdaalka, si arrintaan loo xaliyo.

Ugu dambeyntii, inta badan shaqaalaha dowladda Soomaaliya waxaa caado u ah inay muddo ah aanay wax mushaar ah qaadan, iyadoo mararka qaar ay dhacdo in bil iyo laba bilood ay sidaasi ku dhaafto, waxaana ay talaabadan noqoneysaa mid cusub oo la oran karo waa mid shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku raadinayaan xuquuqdooda, kuwaas oo caqabad xoogan kala kulma shaqooyinka ay ka haayaan goobaha ay gacanta ku haayaan shirkaddaha ajaanibta ah.

Banaanbax-Garoonka-Aadan-Cadde01 Banaanbax-Garoonka-Aadan-Cadde02

error: Content is protected !!