Faah faahin:- Wasiiro iyo xildhibaano ku dhaawacantay weerarkii maanta dhacay (SAWIRO+MAGACYADDA)

Waxaa faah faahin dheeraad laga helayaa weerar ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, iyadoona qaraxaasi ay ka dhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkaasi oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa lagu dhuftay bar-kontrool ah oo laga soo galo xarunta madaxtooyadda, waxaana qaraxaasi uu bur-bur aad u xoogan gaarsiiyay dhismayaal Hoteel oo ay ka mid yihin Hoteelka SYL iyo Hoteel Siyaad oo kuligood ku yaala agagaarka madaxtooyadda.

Hoteelka SYL ayaa xilliga uu weerarka dhacaayay waxaa ka socday barnaamij uu soo qaban qaabiyay teleefishinka qaranka ee SNTV iyo sidoo kale shir ammaanka looga hadlaayay.

Waxaa ilaa iyo haatan la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku geeriyootay ilaa 15 qof, kuwaas oo isugu jira dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay tiro intaasi ka badan.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa waxay isugu jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale wariyeyaal, kuwaas oo ku sugnaa Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ku dhaawacantay weerarkii maanta ayaa waxay kala ahaayeen sida soo socoto:-

  • Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya
  • Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya
  • Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Nuux Faarax Xirsi
  • Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo dhaawac fudud soo gaaray islamarkaana la xaqiijiyay inuu wanaagsan yahay.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacantay 2 wariye, oo ka tirsan idaacadda Radio Muqdisho waxayna kala ahaayeen sida hoos ku xusan:-

  • Wariye Maxamed Xasan National oo ka howlagal idaacadda Radio Muqdisho
  • Wariye C/fitaax Daahir Jeyte oo isna ka howlagala idaacadda Radio Muqdisho

Dhinaca kale, dadka ku dhaawacmay weerarkaasi ismiidaaminta ahaa ayaa la sheegayaa inay sii caga-cageeynayaan ku dhawaad 40 qof, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay weli ka socda daad gureynta dadka ku dhaawacmay weerarka.

Weerarkaasi ismiidaaminta ayaa waxa durbadiiba sheegtay Xarakada Al-shabaab, inkastoo ilaa iyo haatan la ogeyn halka uu qaraxaasi bar-tilmaameedkiisu ahaa, ayaa hadane waxa uu ka dhacay bar-kontrool ee laga soo galo xarunta madaxtooyadda ee Villa Soomaaliya, waxaana maalmihii ugu dambeeysay la hadal haayay inay Al-shabaab qorsheynayaan inay weeraro lixaad leh ka geysan doonaan goobaha ay inta badan bulshada isugu timaado iyo xarumaha dowladda Soomaaliya ee ku yaala magaalada Muqdisho.

La soco wixii kusoo kordha warkaan Insha Allaah.

Qarax-Madaxtooyo Qarax-Madaxtooyo01 Qarax-Madaxtooyo02 Qarax-Madaxtooyo03

error: Content is protected !!