Mid ka mid ah wasiiradii maanta ku dhaawacantay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo warbaahinta la hadlay

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii dhaawaca fudud kasoo gaaray weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.

Wasiir Maareeye oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa marka hore si kulul u cambaareeyay weerarkaasi, waxaana uu sheegay inuu dhaawac aan badneen isaga kasoo gaaray, balse uu aad uga xun-yahay dadka lagu dhibaateeyay oo ay ku jiraan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalkka Soomaaliya iyo dad shacab ah oo aad u badan.

“Waxaan si xoogan u cambaareyneynaa ficilada guracan ay geysanayaan cadowga Shabaabka ah oo nolosha u diidan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo caaddo ka dhigtay inay bar-tilmaameedsadaan goobaha ay shacabka ku badan yihiin” Sidaas waxa yiri Wasiir Maareeye

Dhinaca kale, wasiir Maareeye ayaa sheegay in xilliga uu weerarka dhacaayay uu laba shir ka socday gudaha Hoteelka SYL, waxaana sida uu tilmaamay uu weerarku ka dhacay bar-kontrool oo laga soo galo xarunta madaxtooyadda Soomaaliya, oo si aad ugu dhaw Hoteelka.

Dadka ku dhaawacmay ayuu wasiir Maareeye sheegay inay ku jiraan wasiiro, xildhibaano, la-taliyeyaal, saraakiil ciidan iyo suxufiyiinba, wuxuuna weerarkaasi ku tilmaamay mid ay Shabaabku u adeegsadeen gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Wuxuu sidoo kale wasiirku tilmaamay in dad farabadan ay ku wax-yeeloobeen weerarka ismiidaaminta ah, isagoona weerarkaasi ku sheegay mid fuleynimo ah, islamarkaana uu muujinaayo sida uu cadowgu nolosha ugu diidan yahay dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Wasiir Maareeye ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan sidii loo cirib-tiri lahaa Al-shabaab, isagoona dhinaca kale bulshada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dadkii weerarkaasi kaga geeriyooday, sidoo kalena caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkaa.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ismiidaaminta ahaa, waxaana ay sheegeen inay dileen mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, inkastoo dadka badan oo ku waxyeeloobay weerarkaasi ay u badnaayeen dad shacab ah.

error: Content is protected !!