Warar hordhac ah oo laga helaayo qarax daqiiqado kahor ka dhacay agagaarka madaxtooyadda (SAWIRO)

Waxaa warar hodhac ah laga helayaa qarax daqiiqado kahor ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, iyadoona qaraxaasi ay ka dhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaasi oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa lagu dhuftay bar-kontrool ah oo laga soo galo xarunta madaxtooyadda, waxaana qaraxaasi uu bur-bur aad u xoogan gaarsiiyay dhismayaal Hoteel oo ay ka mid yihin Hoteelka SYL iyo Hoteel Siyaad.

Inta la xaqiijiya waxaa qaraxaasi ku geeriyootay ilaa 8 qof, kuwaas oo isugu jira dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay tiro intaasi ka badan.

Inkastoo ilaa iyo haatan la ogeyn halka uu qaraxaasi bar-tilmaameedkiisu ahaa ayaa hadane waxa uu ka dhacay bar-kontrool ee laga soo galo xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

La soco wixii warkaan kusoo kordha Insha Allaah

Qarax-Madaxtooyo01 Qarax-Madaxtooyo02 Qarax-Madaxtooyo03 Qarax-Madaxtooyo04

error: Content is protected !!