“Waxaan ku baaqayaa inaan marnaba la aqbalin arrinta ay wataan Xasan Sheekh iyo Prof. Jawaari..”

Kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in fara-gelin baahsan lagu haayo tiradda Odayaal dhaqameedyadda soo xuli doonta xildhibaanadda cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrinkaasi waxaa qeylo dhaan kasoo saaray qaar ka mid ah siyaasiyiinta u sharaxan doorashada xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Siyaasiyiintaasi ayaa waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), waxaana uu Mr. Farmaajo sheegay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay fara-gelin culus ku haayaan tiradda Odayaal dhaqameedyadda soo xulaya xildhibaanadda cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Mr. Farmaajo ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ay hormuud ka yihiin fara-gelinta lagu haayo tirada Odayaal dhaqameedyadaas, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawaci karta isbadelka la doonayo in la helo.

Wuxuu Mr. Farmaajo tilmaamay in tirada markii hore la isku raacay ee Odayaal dhaqameedyadda ay ahaayeen 135, balse madaxweyne Xasan Sheekh iyo gudoomiye Jawaari ay 136 ka dhigeen, taas oo shaki weyn ka dhex abuuri karta shacabka Soomaaliyeed iyo musharixiinta u tartameeysa doorashada dhici doonta dhamaadka sanadkaan 2016-ka.

Mr. Farmaajo ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu xilligaan ku jiro xilli kala guur ah islamarkaana aan loo baahnayn in looga faa’ideysto arrimo musuq-maasuq iyo wax is daba-marin ah islamarkaana uu qof weliba mas’uul ka saaran yahay inuu ilaaliyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Markii hore tiradda odayaal dhaqameedyadda waxaa la isku raacay inay noqdaan 135, balse madax ay hormuud ka yihiin Xasan Sheekh iyo Prof. Jawaari ayaa 1 xubin ku daray oo ka dhigay 136, taasina waxay dhaawici doontaa kalsoonidda shacabka Soomaaliyeed iyo musharixiinta u tartameeysa doorashada soo socota, sidaas darteed waxaan ku baaqayaa inaan marnaba la aqbalin arrinta ay wataan labadaasi mas’uul” Sidaasi waxaa yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

Dhinaca kale, shir ay maalintii shalay magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah musharixiinta ka qeyb-galeysa doorashada sanadkaan dalka ka dhici doonta ayaa si weyn uga soo horeestay halka xubin ee lagu daray odayaal dhaqameedyadda soo xuli doonta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

error: Content is protected !!