Afhayeenka guud ee Al-shabaab Cali Dheere oo digniin culus kasoo saaray qaadashada kaararka aqoonsiga ah

Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa digniin culus u diray shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, isagoona uga digay inay qaataan kaararka aqoonsiga ah oo ay soomaalidu u taqaano “Teestaro Minishiibiyo”.

Cali Dheere oo arrintaasi ku tilmaamay inay tahay mid shirqool ah ayaa sheegay in shacabka Muqdisho aysan marnaba qaadan karin kaararkaasi aqoonsiga ee taliska nabad-sugida iyo maamulka gobolka Banaadir ku baaqeen inay qaataan dadka ku nool gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu Cali Dheere uga digay bulshada reer Muqdisho inaysan tagin goobaha lagu bixiyo kaararkaasi, maadaama Al-shabaab ay bartilmaamadsan doonto meel kasta oo lagu bixiyo kaararka aqoonsiga ee dowladda hoose.

“Waxaan marka hore rabaa inaan dadka muslimiinta ah uga digno gaar ahaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho inay ka fogaadaan meelaha laga bixinaayo kaararka aqoonsiga, maxaa yeelay Shabaab waxay bar-tilmaameed ka dhigan doontaa meelahaasi iyo kuwa la midka ah, marka hore sababaha ay rabaan inaa kaararkaasi u qaadataan ayaa waxay tahay, in dhaqaalihiina la qaato, si aad gaajo ugu dhimataan, kadibna dhaqaalihiina kursi iyo madaxtinimo lagu raadsado, midda labaadne waxa tahay in xogtiina loo gacan geliyo ajaanibta oo faro iyo sawir lagaa qaado, taasna waa dhibaato la idinla maagan yahay, marka arrinkaasi dadka haka feejignaadaan, waa dhagar loo maleegaayo” Sidaas waxaa yiri afhayeenka guud ee Al-shabaab Cali Dheere.

Dhinaca kale, Cali Dheere ayaa ka hadlay weerarkii shalay lagu qaaday agagaarka xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee Hoteelka SYL bur-burka xoogan kasoo gaaray, wuxuuna sheegay inay weerarkaasi ku dileen in ka badan 40 ruux, islamarkaana dhaawaco uusii caga-cageeynayo 70 ruux kale.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray afhayeenka guud ee Al-shabaab Cali Dheere ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay weerar ismiidaamin ah oo ay dad shacab badan waxyeelo xoogan kasoo gaartay uu ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ku yaalay Hoteelka SYL oo shirar kala duwan uga socday dadkaasi waxyeeladda soo gaartay.

error: Content is protected !!