Faah faahin:- Maleeyshiyo beeleed dagaal ku dhexmaray duuleedka degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helaayaa dagaal maanta ka dhacay duuleedka degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, kaas oo sida la sheegay u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo ku sugan halkaas.

Dagaalkaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sida la sheegay geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 3 qof, iyadoona 10 kale ay ku dhaawacantay.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo qadka teleefanka kula hadlay warbaahinta Bulshoweyn xarunteeda magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dagaalkaasi uu yimid kadib markii koox maleeyshiyo beeleed ah uu soo kala dhex-galay aanooyin qabiil, taas oo keentay in meesha la isku fara-saaro.

Dhinaca kale, ma jirto cid ilaa iyo haatan waan-waan ka dhex wado labadaasi maleeshiyo beeleed oo dagaalka ku dhexmaray duuleedka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, iyadoona xaaladda deegaankaasi ay haatan tahay mid aad u kacsan.

Lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doono, iyadoona ay suurta-gal tahay in maleeyshiyo beeleedyadaasi ay markale halkaasi isku fara-saaraan.

Warkaan wixii kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!