Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Cadow-dibile oo ku yaala duuleedka degmada Afgooye, halkaasi oo sida la sheegay ay fariisin ku lahaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka ay Al-shabaab kusoo qaadeen deegaanka Cadow-dibile uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku geeriyootay 3 qof oo shacab ah, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacantay 2 kale, waxayna Al-shabaab deegaanka Cadow-dibile ka afduubteen dad shacab ah oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa deegaankaas.
Ilaa iyo haatan lama oga meesha ay Al-shabaab dadkaasi shacabka ah la aadeen, waxaana deegaanka Cadow-dibile gebi ahaan isaga baxay ciidamadii dowladda Soomaaliya oo halkaasi hore ugu sugnaa, kadib markii ay Al-shabaab halkaasi soo weerareen.
Dhinaca kale, ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Al-shabaab oo ay kaga warbixinayaan weerarkaan ay dagaalyahanooda ku qaadeen deegaanka Cadow-dibile, waxayna Al-shabaab dhowr jeer oo hore weeraro kala duwan ku qaaday deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.