WARBIXIN:- Farqiga u dhaxeeya deeqaha iyo taageerada Turkiga ee ku aadan Soomaaliya iyo Somaliland

Inkastoo dowladda Turkigu ay malaayiin dollar sanad waliba ku bixiso taageeradda dalka Soomaaliya ayaa hadana waxaa shacabka reer Somaliland la-yaab ku noqotay in maalmihii ugu dambeeyey badanaa ay dhalinyaradu baraha bulshadu ku xiriirto isku waydaarsanayeen war-bixinta la xiriirta meesha ay Turkiga ku bixin doonto deeqda Hilibka ah ee Ciidda Carafo ugu talo-gashay Soomaaliya.

Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa xaqiijisay inay hay’ad ahaan ku dhawaad 200 oo neef oo xoolo ah ku qali doonaan deegaanada Somaliland marka la gaaro Ciidda Carafo oo ku beegan 20-ka September 2016, iyadoo madaxweynaha dalkaasina Recep Tayyib Erdogan uu xoolo odxiyo ah u qorsheeyey Somaliland iyo dalal kale oo caalamka ku kala yaal.

“Madaxweyne Erdogan, ayaa ugu deeqay xoolaha uu ugu talogalay Ciidal-odxaha Bisha Cas ee Turkiga si loogu qalo Somaliland, Macedonia, Suuriya, gaar ahaan magaalooyinka Suuriya iyo Aleppo, Falastiin, gaar ahaan marinka Qasa.” Sidaasi waxa lagu yiri qoraalka uu faafiyey Madaxweynaha Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga Dr. Kerem Kınık.

Dhinaca Qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka waxa ay iyana ku sheegtay in Bisha Cas ee Turkigu ugu talo-gashay in Ciidal-odxaha lagu qalayo lo’ tiradeedu dhan tahay 200 neef.

Turkiga oo ah mid sanadihii ugu dambeeyey si weyn siyaasad balaaran uga lahaa dalka Soomaaliya, islamarkaana si weyn wax uga qabtay baahiyaha aasaasiga ah ee Soomaaliya ayaan marnaba wax la taaban karo oo deeq ah ka geysan dhinaca Somaliland.

Taas badalkeeda ayuu Turkiga in muddo ah ku howlanaa wada-hadashiinta Somaliland iyo Soomaaliya. iyadoo deeqdan hilibka ah ay kusoo beegmayso xilli Turkigu malaayiin doollar ku kharash gareeyey dib u dhiska dalka Soomaaliya

Muxuu Turkigu ka qabtay Soomaaliya, muxuuse taray Somaliland

Dhinaca Koonfurta Soomaaliya:

Dayactirka iyo dhismaha garoonka Muqdisho oo malaayiin dollar ku baxday

Dacaytir iyo dhismayaal cusub oo isbitaalo ah oo malaayiin dollar ku baxday, tusaale ahaan Isbitaalka Digfeer oo Turkigu dib u dhisay mar uu safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya Kamaludin Kani Torun ka hadlay deeqda ku baxday Isbitaalka ay gaareyso 35-milyan oo doolar, taas oo lagu bixiyay dhismaha iyo qalabeynta isbitaalka Digfeer la sheegay inuu noqday mid ka mid ah isbitaalada ugu casrisan geeska Afrika.

Dhinaca Koonfurta Soomaaliya

  • Dayactir iyo dhismayaal cusub oo dhinaca waxbarashada ah
  • Safaaradda ugu weyn oo uu ka furtay Muqdisho
  • Bilaabidda shirkadda diyaaradaha ee TURKISH AIRLINES
  • Kumannaan deeqo waxbarasho ah.
  • Dhismaha iyo maalgelin culus oo uu ku sameeyey dhinaca ciidamada iyada oo uu tababarro dhinaca ciidamada ah deeqo ku siiyey saraakiil badan oo dhallinyaro ah, gaar ahaan ciidamada cirka oo uu u diyaarinayo
  • Kab joogto ah oo uu malaayiin dollar ku siiyo miisaaniyadda dowladda Soomaaliya
  • Deeqo dhinaca raashinka, daawooyinka iyo gaadiidka ah

Dhinaca waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland

Inkastoo Somaliland ay sheegto inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayaa ilaa iyo haatan jirin wax ay dowladda Turkigu maalgashi ugu sameeysay deegaanada halkaasi, tan iyo markii uu bilaabay siyaasaddiisa Soomaaliya. maadaama uu Turkiga halkaasi u aqoonsan yahay inay tahay maamul ka tirsan Soomaaliya, waxaana sida la ogsoon yahay uu Turkiga magaalada Hargeysa ka furtay qunsuliyad hoos-timaada safaarada Turkiga ee ku taalo magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa jira in dowladda Turkiga uu mucaawimo kala duwan oo raashin ah xilli kasta gaarsiiyo deegaanada Somaliland, inkastoo mudooyinkii ugu dambeysay la sheegayo in mucaawinadaasi ay yaraatay kadib markii Somaliland ay sheegtay inay deegaanadeeda kusoo dhaweynayso shirkadii uu lahaa wadaadkii isku dayay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga Fathullah Gullen, kadib markii shirkadaasi laga soo eryay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!