DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo goordhaw dhacay iyo qasaare lixaad leh oo ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya duuleedka degmada Afgooge ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xoogan oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaasi ayaa sida la sheegay ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, wuxuuna haleelay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo maraayay tuuladda Waayo-Arag oo qiyaastii 10-km dhinaca duuleedka kaga beegan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyootay ilaa 5 qof oo shacab ahaa, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay 2 kale, waxaana qaraxa kadib goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgalo baaritaano ah ka bilaabay halkaas.

Ilaa iyo haatan ma jiraan cid lagu soo qabtay howlgalkaasi, ama sheegatay¬†mas’uuliyada qaraxaasi miino oo maanta lala eegtay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo maraayay tuuladda Waayo-Arag oo ku taala duuleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!