Faah faahin:- Dagaal duuleedka degmada Bardaale ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo Al-shabaab

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal aad u culus oo duuleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay ku dhex-maray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab.

Dagaalkaasi ayaa sida la sheegay bilaawday kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay weerar culus ku qaadeen xarun ay duuleedka degmada Bardaale kaga sugnaayeen xubno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Weerarkan ayaa sida la sheegay uljeedkiisu ahaa in Xarakada Al-shabaab laga saaro fariisinka ay ku leeyihiin duuleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay, waxaana sida la sheegay dagaalkaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka u qaabilsan maamulka degmada Bardaale Cali Cadoow Isaaq oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid Al-shabaab looga saarayay duuleedka degmada Bardaale, wuxuuna dhinaca kale sheegay inay weerarka ku dileen dagaalyahano badan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab islamarkaana kuwa kale ay dhaawaceen.

“Kooxaha nabad-diidka waxaan ku weerarnay xarun ay ku lahaayeen duuleedka Bardaale, waxaana ka dilay mid ka mid ah kooxahaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacnay 2 kale, mana jiraan wax qasaare ah oo dhinaceena naga soo gaaray dagaalkaasi” Sidaas waxaa yiri gudoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka ee degmada Bardaale  Cali Cadoow Isaaq.

Dhinaca kale, ilaa iyo haatan ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha Xarakada Al-shabaab oo ay kaga hadlayaan warkaan kasoo yeeray maamulka degmada Bardaale ee gobolka Bay, iyadoona dhinaca kale aysan jirin warar madax banaan ah oo xaqiijinaya dhimashada dagaalyahanadda Al-shabaab ee loogu geystay duuleedka degmadaas.

error: Content is protected !!