DEG DEG:- Dagaal aad u culus oo goordhaw ka bilawday deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in deegaanka Sarjimale uu goordhaw ka bilawday dagaal u dhaxeeya laba maleeyshiyo beeleed oo ka kala tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkaasi ayaa sida la sheegay salka ku haaya xoolo la-kala dhacay iyo sidoo kale dhul-daaqsimeed ku yaala deegaanka Sarjimale ee dhinaca bari kaga yaala gobolka Mudug.

Ilaa seddax qof ayaa la xaqiijiyay inay dagaalkaasi ku geeriyootay, iyadoona sidoo kale tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacantay, waxaana dagaalkaasi ku baxay odayaal dhaqameed iyo waxgarad kasoo kala jeeda laba dhinac.

Dagaalka oo haatan weli soconaaya ayaa ilaa iyo haatan la ogayn qasaaraha kale uu geystay, iyadoona dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi loo qaaday isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo, si halkaasi loogu daaweeyo.

Dhinaca kale, ma jirto war kasoo kala baxay maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay kaga hadlayaan dagaalka haatan ka soconaaya deegaanka Sarjimale, kaas oo u dhaxeeya laba maleeyshiyo beeleed kasoo kala jeeda labadaas maamul.

Wixii kusoo kordha warkaan dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!