DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan islamarkaana ahaa mid lagu soo xiray gaari noociisu yahay SURF ayaa goordhaw ka dhacay wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana bur-bur aad u xoogan soo gaaray gaarigii qaraxa lagu rakibay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa islamarkiiba waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, oo halkaasi baaritaano ka bilaabay.

Gaariga qaraxa ka dhacay ayaa weli holcaya, waxaana damintiisa haatan ku howlan gaadiidka dab-damiska ee maamulka gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay 3 qof oo mid ka mid ah uu yahay darawalkii gaariga waday, waxaana dhaawacooda loola cararay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo haatan qaraxaasi loo soo qabtay, balse waxaa hakad ku yimid sku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee ka jiray wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!