Maxay tahay sababta rasmiga ah ee loo baajiyay kulanka Obama iyo madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte?

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Hussein Obama ayaa si rasmi ah u baajiyay kulan uu qorsheeynayay inuu la yeesho madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte, kadib markii Duterte uu Obama ugu yeeray “Agoon”, inkastoo erayga uu isticmaalay luuqada Filibiin ay ku noqoneyso mid micno ahaan taasi ka duwan.

Madaxweyne Obama ayaa badalka kulanka madaxweynaha Filibiin waxa uu jasiiradda Loas ee Vientiane kula kulmi doonaa madaxweynaha dalka Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye, halkaasi oo ay shir ku yeelanayaan dowladaha dalalka Aasiya, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte oo dhawaan loo doortay xilkaas uu haatan haayo ayaa mar la weydiiyay sida uu u arko kulanka uu la yeelanaayo madaxweynaha Mareykanka Obama, hadii uu ku cambaareeyo xukunka dilka ah oo ay dowladda Filibiin ku fuliso dadka ka ganacsada daroogada, kuwaas oo inta haatan la dilay ay tiro ahaan gaarayaan ilaa 2500 tan iyo markii uu xukunka la wareegey ayaa ku jawaabay

“Waa inaad ahaata mid xurmad leh “Agoonyahoow”, hadii ay sidaas tahay waxaan ka dhaaranayaa inaan kula kulmo, Sidaas waxaa yiri Rodrigo Duterte oo eedeynaya madaxweyne Obama.

Dhinaca kale, Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte uu yahay mid meel ka dhac ah, sidaas darteedna aanu u qalmin in lala kulmo.

Madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte ayaa markii dambe ka xumaadey hadalkii uu yiri shirka ka dhacaayo ee caasimadda dalka Laos ee Vientiane, waxaana uu sheegay inuu raali gelin toos ah ka dalbanayo madaxweyne Obama.

Si kastaba oo ahaataba, erayga kulul ee uu isticmaaley madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte ee ahaa “Putang Ina” ayaa luuqada Spanishka ku noqonaya “Hijo De Puta” sidoo kale luuqada English-ka ku noqonayaa “Son Of a Whore” taas oo ah micnaheedu yahay “Ina Dhilo”, waxaana ereygaasi si aad uga carooday madaxweyne Obama oo sidaas awgeed la-kulankiisa ku baajiyay.

error: Content is protected !!