Guddiga federaalka hirgelinta doorashada dadban ee dalka ayaa warqad cabasho ah u gudbiyay madaxda madasha qaranka, waxaana ay sheegeen inay caqabado xoogan kala kulmeen hirgelinta doorashada dadban ee dhawaan ka dhici doonta dalka.
Warqad qoraal ah oo ku socoto madaxda madasha qaranka ayaa waxaa ku qoran arrimo badan oo ay guddiga doorashada kaga cabanayaan hirgelinta doorashada dadban ee guddigaasi laga doonayo inuu suurto geliyo.
Hadaba nuqul ka mid ah warqadaasi oo soo gaartay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u qoran sida hoos ku xusan:-