Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlaay xaaladda amni ee xilliga doorashada (DHAGEYSO)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hadal ka jeediyay kulan looga hadlaayay amniga oo xalay ka dhacay degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu haatan socdo dadaalo lagu adkeynayo amniga Muqdisho.

Wuxuu gudoomiye Madaale sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay la shaqeeyaan laamaha amniga islamarkaana ay taqalusaan dadka nabad-xumadda ka wadda dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

“Hadii amniga dalka noo xasilo, waxaan hubaa in dalkeena uu hore u dhaqaaqayo, hada ayuu dalka ku jiraa cel-celis, magaaladaan Muqdisho hadda ayay cel-celis ku jirtaa, hadii uu dalka helo 6 bilood ilaa 1 sanno oo nabad ah, cirka ayuu galayaa, marka waxaa bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga taqaluso dadka amni daridda dalka ka wado” Sidaas waxaa yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)

Hadalka gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka jirto cabsi ah in Al-shabaab ay weeraro ka geystaan, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay feejignaadaan islamarkaana wixii ay ka shakiyaan kusoo wargeliyaan laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!