Yuusuf Dabageed oo kasoo horjeestay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe (DHAGEYSO)

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Yuusuf Dabageed oo hore si weyn u taageersanaa shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa haatan u muuqda mid ku biiray dadka kasoo horjeeda shirka Jowhar ee maamulka loogu sameynayo labadaasi gobol.

Yuusuf Dabageed oo warbaahinta kula hadlay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hadii ay yihiin reer Hiiraan aysan diyaar u aheyn inay ka qeyb galaan shirka la filaayo inuu dhawaan ka furmo magaalada Jowhar, kaasoo maamul loogu sameynaayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

“Maamulka labada gobol waxaa la dhisi doonnaa markii Hiiraan iyo Sh/dhexe ay ku heshiiyaan sida ay wax u dhisanayaan iyo sida ay wax ku qeybsanayaan, kadibne iyagaa wax isku darsan doonno, ee ma dooneyno fara-gelinta IGAD” Sidaas waxaa yiri gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa kusoo beegmaya xilli qaar ka mid ah waxgaradka reer Hiiraan ay horay u diideen ka qeyb galka shirka Jowhar ee maamulka loogu sameynaayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

error: Content is protected !!